SHIRKA WADATASHIGA GUDI HOOSAADKA ARIMAHA BULSHADA EE GOLAHA WAKIILADA IYO URURADA ARIMAHA BULSHADA

Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA  oo qayb ka  ahaa shir wadatashi iyo is xogwareesi ah oo ay wada qaateen gudi hoosaadka arimaha bulshada ee golaha wakiiladda somaliland iyo Ururada bulshada rayidka ah,  Kulankaas oo lagu faaqiday guud ahaan dhibaatooyinka ku gadaaman arimaha bulshada iyo xeerarka la xidhiidha arimaha bulshada sii wax looga qaban lahaa, kobcintooda iyo kor u qaadistooda  isla markaana meel looga soo wada jeesan lahaa loona  mideeyn lahaa aragtida iyo talooyinka lagu saxaayo kornaloogu qaadayo Arimaha bulshada, si loo gaadho helida xeerar dhamaytiran oo meel mar ah. Ururka qareenada Somaliland urur mihnadle sharci ah  oo halkaa kajeediyay warbixinta  oo ka tur jumaysa  xeerarka mu hiiinka u ah, ee taabanayan arimaha bulshada sidii Dib-u-habaynta loogu samayn lahaa sida xeerka

Ka-hortagga HIV, Helida xeer fuudeeya matalaad siinta Tallada haweenka iyo Dadka Nugul ee aan codka ku iman karin golayaasha iyo mansabyada talada si ay uhelaan xuqquqaha dastuurku siiyay, waxaana kulankaas lagu soo qaaday xeerar badan oo dib u eegis ubaahan iyo ku Curin tooda loo baahan yahay. Waxay Gunaanadkii Ururka SOLLA sigaar ugu mahad naqay  Guddida Arrimaha Bulshada ee gollaha wakiiladda Somaliland iyo Garyaqaanka la taliyaha gudidaa, Gudidan oo ah  mida  ay u xilsaaran ilaalinta arrimaha bulshada, hubinta horumarinta siyaasada iyo wax ka qabashada baahiyaha sharciyada arimaha bulshada Somaliland.

Ugu danban Ururka qareenadda Somaliland ee SOLLA Waxa uga mahad celinayaa Guddi Hosaadka arimaha Bulshada ee gollaha wakiiladda Iyo Guud ahaan Gola weynaha Wakiiladda Somaliland Sida niyad samimada iyo u heelanaanta shaqada qaranka u hayaan ugu soo jeedaan, Anaguna urur ahaan aanu la garab taaganahay dadaaladaas ka midha dhalintooda.

ALLA MAHAD LEH