Ururka Qareenada Somaliland Ee Solla Ayaa Qabtay Shir Lagu Falanqaynayo Xeerarka Doorashooyinka Somaliland

Shir ay soo qabanqaabiyeen Ururka Qareenada Somaliland, (SOLLA), oo ay ujeedadiisu tahay in lagu falanqeeyo shuruucda iyo qawaaniinta doorashooyinka dalka, lagana baaraandagayo god-dalooliyinka ka iman kara, iyada oo la is waafajinayo shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka dalka iyo waaqica dhabta ah ee ka jira Somaliland si loo horumariyo hufnaanta doorashooyinka qaranka. Waxa ay noqonysaa madal ay daneeyayaasha kala duwani isugu yimaadaan oo ay ka doodaan xalal wax ku ool ah iyo dadaallada iskaashiga ah ee lagu horumarinayo qaab-dhismeedka sharci ee lagu maamulayo doorashooyinka qaranka. Dood-cilmiyeedka qiimaha leh ee lagu soo kordhiyey shirkan ayaa noqon doona dood-cilmiyeed diiradda lagu saarayo hirgelinta hannaan sharci oo hufan oo lagu geli karo doorashooyinka qaranka Somaliland. madashan ayaa kulmin doonta khubaro dhanka sharciga ah, siyaasad-dejiyayaal, iyo wakiilo ka socda bahda cadaaladda si ay si wada jir ah u wajahaan caqabadaha hor-yaala isku-xidhka shuruucda/xeerarka iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira Somaliland. Madasha doodan ayaa ujeeddadoodu tahay in la helo xalal wax ku ool ah si loo xaqiijiyo qaab-sharciyeed cad, loo wada dhan yahay, oo si hufan loo hirgeliyey ee doorashooyinka